
Autism; a short article for the Somali parents and providers: an overview of the autism disorder, symptoms, role of the parent, role of early intervention and further references and resources.
Sannad walba waxa Bisha Abril loo qoondeeyay in wacyi galin cudurka Owtisamka la sameeyo Waxaan halkan kaga faa’iideysanaynaa bishan si aynu uga jahli baxno cudurkan sare ku xusan, una barano.
Haddii aynu ka hadalol Naafada Owtisamku waxa ay tahay cuduro badan oo isu eg ama wadaaga astaamo badan dhamaantoodna waxaa ay waxyeelo u gaystaan, oo doorriyaan qaab dareenka aadamiga ee dabiicaga ah. Waa xayn cuduro ah oo wadajir la isku yidhaahdo Owtisam (Autism Spectrum Disorder or ASD).
Naafoyinkani waa kuwa laxaadka qofka kala dhima oo ku dhaca carruurta yar yar ee aduunwaynaha oo dhan, isaga oon kala soocayn midab iyo sinji toona, qofka laga helona uu abidba ku waaro. Aalaaba Owtisam waxa uu ku dhacaa boqol iyo kontonkiiba hal (1:150) aduunweynaha oo dhan, dalka Maraykankase boqolkiiba hal ayaa uu asiibaa, waxaana la arkaa in wiilasha uu kaga badan yahay gabdhaha.
Waxaa lagu gartaa iyada oo ilmuhu aanu samaynayn wixii laga filaayey ama aanu koritaankiisu ahayn heerkii da’diisa ku haboonayd, waxaana laga yaaba in uu ilmahu si ka duwan carruurta kale u ciyaaro oo isga u gaar ah.

Waxa ay tahay in la baaro si loo ogaado ilmuhu marka uu jiro 18 bilood sida ay sheegtay hay’adda CDC ee dalka Maraykanka (Xarunta Xakamaynta Cudurrada), waxaana laga yabaa si hubaal ah in loo baaro marka uu gaadho 3 sanno. Waxase hubaal ah in waalidku yahay cidda ugu horeysa ee aragta in ilmaha wax ka doorsan yihiin, aanuna caadi ahayn.
Owtisam waxaa ay curyaamisaa dareenka ilmaha, bulshanimadiisa, iyo in ay dooriso dhaqankiisaba iyo tacaamulkiisa guud.
Cilmi ahaan, iinta Owtisam waxa sababa iyo sida ay u dhacdo toona wali lama garanayo, laakiin waxa ay culimadu aaminsan yihiin in inna la dhaxlo (hiddeysto), inna bii’addu ay dhalliso. Diraasaad cilmiyeedyo la sameeyay ma aanay helin wax cadaynaya in tallaalada dhalaanka ee cudurada lagaga hortaa sabab u yihiin oo keenayaan iinta Owtisamka (waxaa saneeyay daraasadahan hay’ado ka madax banana CDC laakiin halkaa ayaad ka helileysaa faahfaahin). Inkasta oon laga bogsoon (caafimaadin) Owtisamka, hadana waxa jira dawooyin, iyo hab lagu caawiyo ilmahu in dhibta haysaa ka yaraato, la baro sida uu wax u barto, laga yaabaa ilmuhu haddii aanu hadleyn in uu barto hadalka ama sida dadka loola xiriiro oo la isu fahmo, iyo in la baro sida uu bulshada ula dhaqmo, uuna bulshay u noqdo haddii ay dhibeysay in uu dadka dhex galo oo carruurta kale la macaamilo. Haddii ilmuhu uu helo ka hor tag hore (Early Intervention), waxaa suurto gal ah in uu helo adeegyadaas oo dhan oo bilaash ah. Hubaal, inkasta oo iinta Owtisamku ay hayso qofka noloshiisa oo idil, hadana in la ogaado goor hore, gargaar dhakhso ahna loo raadiyo ayaa suurto gal ah.
Carruurta qabta Owtismka is ku mid ma wada aha, waxaana Awtismku ay leedahay heerar kala jaad ah. Carruurta qaar garaadkoodu aad ayuu u sareeyaa, lagana yabaa in ay xisaabta ku fiican yihiin, xusuustooduna aad u sarayso. Ilmahaas oo kalena waxaa ay ku fiicnaadaan barashada culuumta kombiyuutarada oo kale, gaarahaan in barnaamijyada loo dajiyo taas oon u baahnayn in uu qofku dad badan dhex galo. Haddii uu ilmuhu jecel yahay in uu wax ku soo celceliyo, waxaa laga yaabaa in uu ku fiicnaado shaqooyinka celcelisku ku badan yahay, sida in uu wax rakibo, wax isku guro - xafiis ama boostadaba ha ahaatee. Taasina waxay ina tusaysaa ahamiyadda ay leedahay in waalidku ilmihiisa la socdo oo u ogaado waxa uu ku fiican yahay, ulana raadiyo mustaqbalkiisa isaga oo door bidaya waxa uu awoodo.
continued on next page
Owtisamku aad ayaa ay ugu soo badatay carruurta dalka Maraykanka ku nool oo laga yaabo sababo badani in ay jiraan kana mid yihiin in hadeer cilmigii lagu aqoonsanayey iyo shaybaadhkii soo kordhay. Gaar haanse carruurta Somalida waa ku soo batay waayadan dambe. Waa mide, waxaa laga yaabaa in ay tahay bii’adda oo is bedashay, Waa ta labaade, iyada oo si xad dhaaf ah loogu sheegayo carruurta, taas oo ka imanaysa is maan dhaaf ka yimi luqad la’aan, dhaqamo kala gedisan iyo carruur badan oo Somali ah oo ay curyaamisay bii’addan cusub ee ay ku xidhan yihiin.
Waa lagama maarman in waalidku uu ogaado waxa ilmihiisa u dan ah, iyo waxa ay yihiin xuquuqdooduba. Waa in la baadho ilmaha caafimaadkooda, lana hubiyaa in uu qabo Owtisam, iyo baahidiisa gaarka ah. Waa in waalidku ogaadaa in aan baaritaanada noocaas ahi aanay waxba u dhimayn ilmaha, haddii aanu ilmuhu qabinna lagama samayn karo. Ka waalid ahaan, dawrka aad ciyaaraysaa, adiga oo lagu hirte u ah ilmahaaga, waa in aad ka jawaabto su’laalaha lagu weydiiyo si daacad ah, hubiso in uu kula joogo qof kaa tarjuma, oo sifiican u garanaya labada afba – af-Somaliga iyo English-kaba.
Haddii aad saluugto, ama aad garan weydo wixii lagu weydiiyo, ama la weydiiyo ilmahaaga, xaq ayaad u leedahay in aad fasiraad codsatid. Waxaa jira waxyaabo aanu ilmuhu waligii hore u soo arag, ama aanu garanayn sida uu u sameeyo isagu, laakiin ilmaha faciisa ah laga filanayo in uu samayn karo, sababtuna ay tahay uun ilmaha kale oo fursad u helay in uu arko, ama sameeyo waxyaabahan, hase yeeshee waxaa laga yaaba in ilmaha Somaliga ahi uu guri jog yahay, inta badanna aanu meel aadin, gurigana wax lagu ciyaaro oo xirfadahan lagu barto ma uusan helin, ama dhaqankaba uguuma jirto.
continued on next page
Ogsoonow in aad dib u codsan kartid in ilmahaaga loo baadho ama aad bedalato dhakhtarka haddii aanad ku qanacsanayn natiijada. Inse la ogaado ilmaha baahidiisa gaar ahaaneed, iyo in uu haraadi yahay, ama carruurta kale intooda badan ka duwan yahay waxa uu baranayo aad ayaa ay muhiim ugu tahay ilmaha wax barashadiisa iyo mustaqbalkiisa. Maxaa yeelay tani waxa ay u suurto gelineysaa in loo helo dawo iyo hab lagu caawiyo si uu iinta ugula noolaado sida ugu dhibta yar isaga iyo dadka ku xeeran, walibana waxbarashadiisa iyo mustaqbalkiisa loo dhiso sida ugu fiican ee loo awoodo
.Meelaha aad ka heli kartid macluumaad siyaado ah loo la xiriira Owtisamka, daraasad cilmiyeedada, dawonyinkiisa, tababaro iwm waa